DEG DEG: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xarun ciidan oo ku taal Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay xarun ciidan oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka socdeen hawlo ciidan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa maanata laga maqlay qeybo ka mid ah degmada Hodan uu ka dhacay goob ku dhow xerada Jaalle Siyaad, uuna geystay khasaare, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Ciidamada ammaanka ayaa si deg deg ah u xiray aagga, waxaana haatan socda baaritaanno lagu ogaanayo sida weerarku u dhacay iyo cidda ka dambeysay.

Weerarka ka dhacay Xarunta oo loo yaqaan Kuliyada Jaalle Siyaad oo ah xarun muhiim ah oo lagu tababaro ciidanka ayaa qayb ah weeraro Al Shabaab ay ku beegsato xarumaha ciidanka, iyadoo horay dhowr u beegsatay gudaha iyo banaanka Xerada— Waxaana kii ugu dambeeyey ay la eegteen dhalinyaro doonayey inay Askar qortaan.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed