Cali Saciid Fiqi ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Koonfur Galbeed, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Baydhabo.
Doorashada oo ay si buuxda uga qeyb galeen 80 xubnood oo Baarlamaanka ah ayaa natiijadeedu noqotay mid farqi weyn u dhexeeyey labada musaharax ee tartamay, iyadoo Cali Saciid Fiqi uu helay 67 cod, halka musharraxa la tartamayey, Diinki Sheekh Xasan, uu helay 11 cod, tani oo ka dhigan in lix jibaar laga badan yahay.
Sidoo kale, Guddiga doorashada ayaa shaaciyay in 2 cod ay halaabeen, taasoo ka dhigeysa in codadka saxda ah ee la tiriyay ay ahaayeen 78 cod. Guusha Cali Saciid Fiqi ayaa timid iyadoo uu helay farqi weyn oo codad ah, taasoo muujinaysa taageerada ballaaran ee uu ka haysto xubnaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.
Doorashadan ayaa qeyb ka ah dhameystirka hay’adaha dowliga ah ee Koonfur Galbeed, xilli ay weli jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka taagan magaalada Baydhabo.
Dhankeeda, Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa shaacisay inay bilaabeyso geeddi-socod lagu soo dooranayo hoggaan cusub oo maamulkaasi ah, uuna dhammaaday muddo-xileedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo sidoo kale xubnaha kale, iyada oo caddeysay in aysan sharci ahayn inay sameeyaan magacaabisyo cusub ama xil ka qaadisyo.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

