DEG-DEG: Dagaal culus oo ka dhex qarxay Ciidamada DFS iyo Jubbaland ee Gedo

Dagaal culus ayaa saaka ka qarxay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, kadib markii wefti uu hoggaaminayo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo DFS u xilsaartay amniga gobolka uu gaaray magaalada.

Iska horimaad toos ah ayaa goobjoogayaal soo wariyeen inuu ka dhacay xarunta maamulka degmada iyo agagaarka Laanta Socdaalka ee ku dhow xadka Mandheera, iyadoo la maqlayo rasaas culus oo ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.

Ilaa hadda faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalka lama helin, hase yeeshee xaaladda gobolka ayaa faraha ka sii baxeysa, iyadoo laga cabsi qabo inuu dagaalku ku fido degmooyinka kale ee gobolka Gedo.

Sidoo kale, saddex diyaaradood oo Helicopter ah oo galbinayay Cabdirashiid Janan oo muuqaalkooda baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya iyaga oo duleedka magaalada ka duulaya.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorasho qof iyo cod ah laga qaban doono gobolka Gedo, iyadoo aan aqoonsaneyn maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, Taasi ayaa sababtay in gobolka markale galo xaalad dagaal iyo qalalaase siyaasadeed.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed