Deegaan Xeebeed gobolka Mudug ku yaalla oo hadda aag lama degaan ah, kadib markii Bacaad Liqay

Deegaanka Kulub ee gobolka Mudug oo horey u ahaa tuullo xeebeed caan ugu ah kalluumaysiga iyo xoolo-dhaqashada ayaa maanta wajahaya xaalad adag kadib markii bacaad xooggan uu aasay guryo iyo dhul deegaan ah.

Dadkii deegaanka ayaa sheegay in magaalada si tartiib tartiib ah u lumisay dadkii deganaa, iyadoo noloshii dhaqaale ee halkaas ku tiirsanayd badda iyo xoolaha ay daciif noqotay.

Qoysaskii ugu dambeeyay ee ku haray Kulub ayaa bilaabay inay ka guuraan, iyagoo u qaxaya meel aan ka fogeyn deegaanka, halkaas oo ay ku wajahayaan duruufo adag oo nololeed, sida hoy la’aan, cunto yari iyo adeegyada aasaasiga ah oo meesha ka baxay.

Kulub oo ka mid ahaa deegaanada ku tiirsanaa dhaqaalaha kalluumaysiga iyo xoolaha ayaa hadda u muuqda mid sii baaba’aya, iyadoo isbeddellada cimilada iyo bacaadka ku soo faafay dhulka ay horseedeen barakaca dadka degganaa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed