“Dawladda Xamar waxa aan ugu baaqayaa, inay garawsato in qarannimada Somaliland” Madaxweyne Cirro

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa khudbad dheer oo uu maanta jeediyey kaga hadlay arrimo la xiriira amniga, difaaca, nabadda iyo xaaladaha colaadeed ee ka jira deegaannada bariga, maqnaashiyaha Laascaanood, isagoo fariin xasaasi ah u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Cirro, oo la hadlayey golayaasha Baarlamaanka Somaliland, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay in si buuxda loo gaaro nabad ka hanaqaadda gobollada bariga, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo muddo socday oo sababay khasaare naf iyo maalba leh. Waxa uu si adag uga digay cid kasta oo hurinaysa colaadda, isaga oo xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono, isla markaana khilaafaadka lagu xallin doono wada-hadal iyo ku dhaqanka mabaadi’da Islaamka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Somaliland ay dadaal muuqda gelisay nabadaynta gobollada Sool iyo Sanaag. Isaga oo sii ambaqaadaya arrimaha colaadda, waxa uu si gaar ah u xusay xaaladda Laascaanood, halkaas oo xukuumaddii hore ay dagaallo culus la gashay ciidamo deegaanka ah, taasoo keentay in si rasmi ah loo waayo gacan-ku-haynta qayb weyn oo ka mid ah deegaannadii ay maamuli jireen.

Cirro ayaa xusay inay oggol yihiin hadda is-dhaafsi maxaabiista iyo furitaanka isu-socodka ganacsiga iyo dadka. Si kastaba, wuxuu ku dooday in jawaab laga sugayay dhinaca Laascaanood aysan weli imaan.

”Xiriiro nabadeed ayaan la samaynay walaalaha Laascaanood, waxaan ku rajo weynahay in sidii Sanaag u dhammaatay oo kale ay u dhammaato [arrintoodu].” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Cirro oo aan ilaa hadda soo bandhigin wixii ay ku heshiiyeen Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu balse waxa uu xusay in ay Israa’iil u tahay Saaxiib ay isku halayn karaan marka la eego heshiiska ay wadagaleen sida uu yiri.

“Waxaan aaminsanahay Israa’iill in ay noqon doonta saaxiib la isku halayn karo, waxaana ka shaqaynaynaa heshiiskii aynu wada galnay” Sidaasi waxaa yiri markale madaxweyne Cirro.

Dhanka kale, isaga oo ka hadlay arrimaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cirro ayaa ku adkeystay in dowladda dhexe ay aqoonsato sida uu yiri “qarannimada Somaliland”. Waxa uu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in labada dhinac ay noqdaan laba dal oo deris wanaagsan ah, isaga oo mar kale ku baaqay in la aqoonsado madax-bannaanidooda, inkastoo hore looga diiday Muqdisho.

“Dawladda Xamar-na waxa aan ugu baaqayaa, inay garawsato in qarannimada Somaliland ay gaartay meel aan dib u noqosho aqbalayn. Maanta jidka keliya ee u furan Soomaaliya, waa in aanu noqonno laba dal oo walaalo ah oo jaar-wanaag ka dhexeeyo, taasna diyaar baanu u nahay. Waxa aanu leenahay ku qanca xaqiiqada ah, in Somaliland ay noqotay dal madaxbannaan oo la aqoonsaday” ayuu yiri madaxweyne Cirro.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay intii uu joogay xukunka Somaliland in muddo “Laba jeer ah” ka qayb galay shir-madaxeedka dawladaha adduunka oo Imaaraadka Carabta ka dhacay, shirka Dhaqaalaha Afrika oo lagu qabtay Dubai, iyo shirkii Madasha dhaqaalaha adduunka ee Davos ee Switzerland, kuwaa oo ay ka qeyb galeen marti ka kala socotay illaa 150 dawladood oo ay ka mid yihiin madaxweyneyaal iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed, iyo kumanaan isugu jira maalgashato iyo khubaro dhaqaale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed