Iyada oo cilaaqaadka u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta uu sii xoogaysanayey wakhtiyadii ugu dambeeyey, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay arintan ayaa sheegtay in ay tallaabo ka qaadi doonaan xukuumadda Abu Dubia, ka dib markii Madaxweynaha Somaliland ay ku casuumeen ka qeyb galka shirka dowladdaha Adduunka oo bartamaha bishaan ka dhacay dalkaasi.
Wasiirka wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi oo sheegay in Somaliland tahay gobol ka mid ah Somaliland ayaa carrabaabay in tallaabo ay ka qaadi doonaan sida uu hadalka u dhigay Dowladda Imaaraadka Carabta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu tilmaamay in aanay ogalaan doonin faragalin, xili uu sheegay in xiriir kala dhexeeya Imaaradka aanu xumeyn.
“Somaliland waa gobolka mid ah Soomaaliya oo tabasho qaba, waxaana naga go’an in aan is fahan ku xallino, tegista Cirro ee Imaraadka waa iska socodka dowlad-goboleedyada oo kale. Xiriirka Imaaraadka se tallaabooyin ayaan qaadaynaa mana oggolin faragelin” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Sidoo kale, Waxaa uu qaaday Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ay si cad uga soo horjeedo cidkasta oo fara-galin aan wanaagsaneyn ku sameysa dalka Suudaan, isaga oo tilmaamay in hadda Soomaaliya wado dalaal lagu dhexdhexaadinayo Mucaaradka iyo Dowladda dhexe oo lagu kulansiin doono Muqdisho.
“Waxaan ka soo horjeednaa Cidkasta oo fara-galin gudaha oo aan wanaagsanayn ku heysa Dowladda Suudaan” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Wasiir Fiqi oo bidhiaamiyey in dowlado qaar ay faragalin ku sameeyan siyaasadda Soomaaliya oo aanu carrabaabin ayaa shaaciyey in uu socdo qorshe looga hortagayo kala qaybinta lagu wado shacabka Soomaaliya iyo faragalinta socota.
HBN ONLINE TV