Dawladda Soomaaliya oo beenisay wararka sheegaya in ciidamo Afrikaan ah dheeraad loo dirayo Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si cad u beenisay wararka sheegaya in shirkii hoggaamiyeyaasha Afrika ee ka dhacay Entebbe, Uganda lagu dalbaday ciidamo dheeraad ah oo nabad ilaalin ah oo loo diro Soomaaliya si ay uga hortagaan weerarrada al-Shabaab.

Cali Cumar Balcad, Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wareysi siiyay HBN Online Tv ayaa sheegay inaan jirin wax soo jeedin rasmi ah oo ku saabsan in ciidamo cusub la keeno Soomaaliya. Wuxuu intaa ku daray in wararka sheegaya in 8,000 oo askari la keeni doono ay yihiin “qoraallo qabyo ah oo aan sax ahayn” oo suuqa wareegaya.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sharaxay in dhaqaalaha la siiyo Ciidamada Midowga Afrika uu ka yimaado labo ilood: mid ay bixiso Qaramada Midoobay iyo mid kale oo loogu talagalay magta dhibaatooyinka ciidamada oo dhan $190 milyan, balse hadda la hayo $90 milyan oo keliya. Dalal deeq-bixiyeyaal ah ayaa ballan qaaday inay caawin doonaan si loo helo lacagta dhiman si uusan u istaagin howlgalku. Dhaqaalahan ayaa la filayaa inuu taageero ilaa 11,900 askari.

Shirka madaxda Afrika ee Entebbe waxaa ka soo qaybgalay madaxda Uganda, Kenya, Jabuuti, Masar iyo Itoobiya, iyo sidoo kale wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, UK iyo Maraykanka. Inkastoo war-saxaafadeed laga soo saaray shirka lagu xusay suurtagalnimada in ciidamo ka yimaadaan Masar, dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u cadeysay inaysan jirin dalab ay ka yimid oo ku saabsan ciidamo dheeraad ah.

Hadda, ku dhawaad 10,000 askari oo Midowga Afrika ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kala barna waxa ay ka yimaadeen Uganda, iyadoo howlgalka nabad ilaalinta uu socday tan iyo sanadkii 2007-dii, waxaana ay ku qaatay in dalka joogaan 18-sano.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed