Dawlada Soomaaliya oo war kulul ka soo saartay hub Itoobiya soo gelisay dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay hub si sharci darro ah lagu soo geliyey dalka, kaasi oo laga keenay dalka Itoobiya, isla markaana la geeyey deegaanada Puntland.

Warsaxaafadeedka oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay aad uga walwalsan tahay ‘shixnad hub ah oo ay Itoobiya si sharci darro ah ugu dirtay’ gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Warka ayaa waxaa lagu yiri

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka. Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya, lana geeyey gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya”

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya arrintan ay u aragto mid xadgudub weyn ku ah madaxbannaanida Soomaaliya, iyo khatar weyn oo ku wajahan amniga Qaranka.

“Tallaabadan ayaa keentay shaki weyn oo laga qabo sida ay Itoobiya ugu hoggaansameyso sharciga caalamiga ah iyo sida ay uga go’an tahay xasilloonidaradda Gobolka,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Shixnado kale oo hub iyo rasaas ah oo diyaarado lagu geeyey magaalada Baydhabo ee Maamul-Goboleedka Koofur-Galbeed ee Soomaaliya ayaa jira,” ayaa lagu yiri warka dowladda federaalka Soomaaliya.

Falalkan soo noq-noqday waxa ay muujinayaan tixgelin la’aanta joogtada ah ee Itoobiya ku hayso Madaxbannaanida Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay ka dalbaneysaa Itoobiya inay si degdeg ah u joojiso tallaabooyinkan sharci darrada ah, kuwaas oo khatar weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.”

Warka ka soo yeetay dawlada Soomaaliya ayaa ku soo aadayaa iyadoo gaadiid hub sida oo ka yimid dhanka Itoobiya uu gaaray deegaanada Puntland, waxanaa la sheegay in hubkaasi ay galbinayeen gaadiid uu leeyahay maamulka Puntland.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha ammaanka Puntland oo ku aadan arrimaha hubkan.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed