Dawlada Soomaaliya oo shuruud cusub ku soo kordhisay qaadashada Baasaboorka dalka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay sharuudo cusub oo lagu soo kordhiyey qaadashada Baasasaboorka dalka, kana bilabaan doonto 1-da 7-aad 2026, iyada oo dadka codsanaya dalka laga rabo inay haystaan kaarka aqoonsiga qaranka ama caddeyn muujinaysa inay iska diiwaangeliyeen nidaamka aqoonsiga qaranka.

Hay’addu waxay sheegtay in muwaadiniinta aan haysan ID-ga kaarka aqoonsiga qaranka ama wcaddeyn Warqad ka timid NIRA oo muujinaysa diiwaangelinta aysan awoodi doonin inay codsadaan baasaboorka Soomaaliya marka uu dhaqan galasho shuruuddan cusub.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ee lagu xoojinayo xaqiijinta aqoonsiga muwaadiniinta, yareynta musuqmaasuqa iyo isku xirka adeegyada dowladda, iyadoo la adeegsanayo nidaam qaran oo mideysan.

Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in laga bilaabo 13-ka May 2026 codsadayaasha baasaboorka laga doonayo inay keenaan nuqullo ka mid ah dukumiintiyada loo baahan yahay, halka dukumiintiyada asalka ah la hubin doono kadibna dib loogu celin doono milkiilayaashooda si looga hortago lumis ama dhaawac.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed