Dawlada Soomaaliya oo ka digtay xiriirro ka baxsan go’aankeeda oo ku saabsan amniga Badda Cas & iskaashiga la dagaalanka argagixisada

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ayaa ka digtay xiriirro iyo dadaallo ka baxsan go’aankeeda qaran ee la xiriira amniga Badda Cas iyo iskaashiga ee la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, iyadoo carrabka ku adkeysay in iskaashi kasta oo caalami ah uu ku saleysnaado ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Qoraal kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Muqdisho ay soo dhoweyneyso iskaashi wax ku ool ah oo ay la yeelato dhammaan saaxiibbada caalamiga ah ee ku saabsan amniga badda, la dagaallanka argagixisada iyo xasilloonida Badda Cas, balse iskaashi dhab ah uu u baahan yahay in la dhowro nidaamka dastuuriga ah iyo midnimada dalka.

Sidoo kale, wasiir Balcad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay aragtida sheegaysa in Somaliland ay kaliya door ku yeelan karto amniga gobolka iyadoo Soomaaliya kala qaybsan tahay, isaga oo arintaasi ku tilmaamay inay tahay mid taariikh ahaan been ah isla markaana istaraatiijiyad ahaan aragti gaaban.

Soomaaliya ayaa xustay in dal mideysan oo xasilloon uu yahay dammaanadda ugu weyn ee lagu xaqiijin karo amniga muddada fog ee Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Baabul-Mandab, iyadoo digniin laga bixiyay dadaallada dhiirrigelinaya gooni isu taagga oo lagu sheegay kuwo khatar gelin kara xasilloonida Geeska Afrika, Badda Cas iyo amniga caalamka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed