Dawlada Soomaaliya oo ganafka ku dhufatay shuruudo horudhac ah oo lagu xiro ka qayb galka shirka uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si cad u diiday in shuruudo horudhac ah lagu xiro ka qaybgalka gogosha wada-tashi qaran ee uu dhawaan ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo sheegtay in arrintaasi waa sida hadalka loo yiriye ay caqabad ku tahay midnimada qaranka iyo geeddi-socodka siyaasadeed.

Wasiirka Caddaaladda Xasan Macalin oo ah mas’uulka qaban-qaabinaya shirka ayaa sheegay in gogosha wali furan tahay, ayna tahay fursad weyn oo lagu dhageysan karo tabashooyinka jira haddii lagu yimaado si wadaninimo iyo daacadnimo leh.

Wuxuu meesha ka saaray in aan la aqbali doonin wax shuruudo ah oo horudhac u noqonaya ka qaybgalka shirka. Waxa ay sidoo kale digniin u dirtay maamullada iyo mucaaridka doonaya in ay miiska wada-hadalka ku yimaadaan iyaga oo wata dalabyo gaar ah, kuwaas oo laga yaabo inay carqaladeeyaan dadaallada wada-tashi ee socda.

“Loo-joojin-maayo ma shaqaynayso, dalkan waa wada leenahay. Walaalayaaloow, gogosha imaada, masiirkeenna aan ka tashanno. Tabasho kasta waan xallinaynaa,” ayuu yiri Wasiir Xasan Sheekh.

Gogosha wada-hadalka ee DFS ay wadato ayaa lagu wadaa in ay diiradda saarto Habraaca doorashooyinka mustaqbalka, Arrimaha dastuurka, Awood qeybsiga dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

DFS ayaa ku celisay diyaar u ahaanshaheeda in ay dhageysato cid kasta oo miiska timaadda, balse waxay hoosta ka xariiqday in aan la aqbali doonin qodobyo ama shuruudo laga hormariyo danaha guud ee qaranka. Shirkan ayaa loo arkaa mid xasaasi ah oo horseedi kara xal waara oo lagu wajaho khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed