Dawlada Soomaaliya oo faahfaahisay qodobo dood dhaliyay oo ku jiray xeerka caruurta ee dhowaan la ansixiyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa xog dheeraad ah ka bixisay qodobo dood dhaliyay oo ku jiray xeerka carruurta ee dhowaan la ansixiyay, iyadoo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan heshiisyada caalamiga ah ee la xiriira xuquuqda carruurta.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Qoyska ayaa lagu sheegay in DFS ay si rasmi ah uga gaabsatay qodobo gaar ah oo ka mid ah Axdiga Xaquuqda Carruurta Afrika, maadaama ay ka hor imaanayaan diinta Islaamka iyo dastuurka dalka. Wasaaradda ayaa sheegtay in talaabadani ay tahay xuquuq sharci ah oo caalami ahaan loo aqoonsan yahay, isla markaana uu dal kasta xaq u leeyahay inuu ka gaabsado qodob kasta oo ka hor imanaya diintiisa, dastuurkiisa, ama qiyamka uu aaminsan yahay.

Wasaaradda ayaa xustay in qodobada ay Soomaaliya diidday ay ka mid yihiin: xorriyadda Diineed ee ilmuhu yeesho, ilaalinta nolosha gaarka ah ee carruurta oo lagu tilmaamay faragelin mas’uuliyadda waalidka, mamnuucidda guurka gabdhaha ka yar 18 sano, iyadoo loo fiirin doono qaangaarka diineed iyo qodob xaddidaya da’da qaangaarka 18 sano.

“Soomaaliya waxay diidday qodobo ka tirsan Axdiga Xaquuqda Carruurta Afrika oo ka hor imaanaya Diinteena suuban. Xorriyad Diineed oo Ilmuhu Yeesho: Carruurteenu waa Muslimiin. Waalidka ayaa mas’uul ka ah ilmihiisa. Mamnuucidda Guurka iyo Alkummidda Gabdhaha Ka Yar 18 sano: Sida ay Diinteena qabto waxay ku xirantahay Qaangaarka Ayadoon Loo Fiirin Da’da. In da’da lagu xiro 18 sano: Diinteenu waxay aqoonsan tahay qaangaarka ee ma aqoonsana da’da go’an” ayey tiri Wasaaraddu.

DFS ayaa ku adkaysatay in diinta Islaamka iyo dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay yihiin labada tiir ee ugu sarreeya sharciyadda dalka, sidaas darteedna aysan aqbali doonin qodob kasta oo ka hor imaanaya shareecada Islaamka. Wasaaraddu waxay hoosta ka xariiqday in Soomaaliya ay sii wadi doonto ku dhaqanka xeerarka iyo mabaadi’da waafaqsan diinta Islaamka, dastuurka dalka, iyo dhaqanka suubban ee bulshada Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed