Dawlada Soomaaliya Oo Ceyrisay Safiirka Itoobiya U Fadhiyay Muqdisho Isla Markaana Albaabada U Laabtay Qunsuliyadihii Itoobiya ee Garoowe iyo Hargeysa

Iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday in albaabada loo laabay Qunsuliyadihii Itoobiya ee Garoowe iyo Hargeysa, isla markaana laga ceyriyay safiirkii Itoobiya ee Muqdisho. Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu xumaaday xiriirka labada dal ee ka dhashay heshiiskii ay Itoobiya dhawaan la gashay maamulka  Somaliland, Go’aankaan ayaa ka soo baxay Golaha Wasiiradda Soomaaliya, waxaa sidaas xaqiijiyey saraakiil ka tirsan dowladda.

Burburka dublamaasiyadeed ayaa ka dhashay heshiiskii ay Addis Ababa ku saxeexday saldhigga ciidamada badda iyo deked Somaliland 1-dii January 2024, taas oo ay Soomaaliya u aragto xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda. Heshiiskan oo muran badan dhaliyay ayaa sii xumeeyay xurguftii u dhaxeysay Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo ugu dambeyn ay Soomaaliya ka qaadatay go’aan adag oo ay ku cayrisay Safiirka Itoobiya.

Cayrinta Danjire Muqtaar Maxamed Waare ayaa hoosta ka xariiqaysa mowqifka adag ee ay Soomaaliya ka taagan tahay waxa ay u aragto in lagu xad-gudbay madax-banaanideeda dhuleed iyo madax-banaanideeda. Talaabada ay Soomaaliya ku xirtay qunsuliyada Itoobiya ayaa waxa ay muujineysaa in ay dooneyso in ay gacanta ku dhigto arrimaheeda diblumaasiyadeed iyo ilaalinta danaha ay ka leedahay gobolka.

Arrintaan ayaa timid kaddib markii, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya oo uu ka mid yahay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Mesganu Arga ay shalay wada hadalo la yeesheen wakiilo ka socday mamaulka Soomaaliyeed ee Puntland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed