Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawlada Federaalka oo si adag uga falceliyay qoraal uu bartiisa gaarka ah ku soo qoray Safiirka UK ee Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa uga digay diblumaasiyiinta shisheeye in magaca Soomaaliya loo kala qaybiyo Soomaaliya & Somaliland, isagoo hadalkan uga jawaabayay qoraalka safiirka Ingiriisku uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo uu kaga hadlay kulan uu la yeeshay masuuliyiin ka tirsan hay’ad qaabilsan miino saarista oo ka shaqeysa deegaano kala duwan.
Wasiir Fiqi ayaa fariintiisa ku yiri “Kala qaybinta midnimada dhuleed iyo loo kala saaro laba magac oo kala duwan, waa wax aan sinaba loo aqbali karin, waxayna ka dhigan tahay weerar badheedh ah oo lagu hayo qaranimada iyo midnimada Soomaaliya”.
UK waxay ka mid tahay dalal kooban oo xafiisyo ku leh magaalada Hargeysa inkastoo aysan safaaraad ahayn haddana waxaa ka jooga diblumaasiyiin.
HBN ONLINE TV

