Dowladda Panama ayaa cabasho u gudbisay Qaramada Midoobay kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay in uu qabsan doono Kanaalka Panama.
Safiirka Panama ee Qaramada Midoobay, Alvaro de Alba, ayaa ku sheegay warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres in axdiga hay’adda uu dhigayo in hanjabaadda ama adeegsiga xoogga ka dhanka ah waddan kale ama madaxbannaanidiisa aysan sharci ahayn.
De Alba ayaa ka codsaday Guterres in warqadda loo qaybiyo 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, balse ma uusan codsan shir degdeg ah oo golaha la isugu yeero. Panama ayaa hadda ah xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Ammaanka.
Ka hor iyo kadib caleemo-saarkiisa Isniintii, Trump ayaa ku hanjabay in uu qabsan doono Kanaalka Panama, isagoo ku celceliyey eedeymo oo ah in Shiinuhu uu saameyn ku yeeshay kanaalkan oo ah marin biyood u ah isu socodka & ganacsiga adduunka.
“Ma aanan siin Shiinaha, ee waxaan u dhiibnay Panama, waxaana dooneynaa inaan dib u soo ceshanno,” ayuu Madaxweynaha Mareykanka ka yiri khudbaddiisa caleemo-saarka ee uu ka horjeediyey Koongaraska. Trump meesha kama saarin adeegsiga awood ciidan si loo xakameeyo marinkan badda ee muhiimka ah.
Madaxweynaha Panama, Jose Raul Molino, ayaa Isniintii gaashaanka u daruuray hanjabaadaha Trump, isagoo carrabka ku adkeeyey in Kanaalka Panama uu ahaan doono mid ku jira gacanta Panama.
Mareykanka ayaa door muhiim ah ka qaatay dhismaha iyo maamulidda kanaalka muddo tobannaan sano ah, balse 1999-kii ayuu ku wareejiyey Panama kadib sannado iskaashi oo labada dal ay kanaalka si wadajir ah u maamulayeen.
HBN Online TV