Danab oo xubno Alshaabab ah ku dishay Jubbada Hoose

Ciidanka Kumandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa sheegay maanta in ay burburiyeen goobo ay ku sugnaayeen xubno tirsan Kooxda Alshabaab oo ku yaala tuulo lagu magacaabo Xaliimo-cadey oo u dhow deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose.

Warka ka soo baxay dowladda ayaa intaa lagu daray in intii hawlgalku socday ay dileen maleeshiyad badan, iyagoo soo bandhigay hubkii ay ka furteen Alshabaab sida lagu yir bayaanka.

Howlgalka ayaa ku soo aadaya xilli ay ciidamada xoogga oo kaashanaya dadka deegaanka ay maalmihii la soo dhaafay howlgallo ka wadeen gobolada dalka, dhowaanna ay guulo ka sheegteen dagaalka dhacay deegaanka Buula-xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed