Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaliya Danab iyo kuwa Jubbaland oo howlgalo kala duwan ka sameeyey deegaanno ka tirsan Jubbada Hoose ayaa sheegay in la dilay inta uu socday howlgalka xubno muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab.
Howlgaladaan oo la sheegay in burburin uu ku bilowdeen ayaa ka dhacay deegaannada Quddus, Beexaani iyo Yaaq-dabeyl ee Jubbada Hoose, kuwaa oo ciidamada sida hadalka loo dhigay si guul ah ku soo afjareen.
Sida oo kale dowladda ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay xubno uu ka mid yahay horjooge lagu magacaabo Gacma-dheere oo sida la tilmaamay u qaabilsanaa dhulka duurka ah Alshabaab.
Todobaadyadii ugu dambeyey waxaa yaraa howlgalada Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ka sameyn jireen gobolka, ka dib soo if bixii khilaafka soo kala dhexgalay.
HBN ONLINE TV