Danab oo hawlgallo ka sameeysay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Ciimada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Alshabaab ka fuliyey deegaannada Masaajid Cali Gaduud iyo Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan oo lagu burburiyey fariisimo muhiim ah oo ay Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Masaajid Cali-Gaduud ayaa la sheegay in cagta lagu marsiisay fadhiyo kooxdu halkaasi ka sameysatay.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa dhankooda sheegay in xarumaha la burburiyay ay ahaayeen goobo laga soo abaabulo weerarada kooxdu ay ku dhibaateyaan sida hadalka loo dhigay shacabka.

Sidoo kale, Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa la sheegay in dhawaan ay jab culus ugu geysteen Alshabab deegaanka Wargaadhi oo isna ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, xilli ay ka hortageen sida la sheegay isku day kooxda ay ku dooneysan iney kula wareegaan deegaankaasi.

inkasta oo aysan jirin war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay howlgalladan ayaa haddana waxaa la sheegay in ciidamada ay si guul leh u fuliyeen, iyagoo ka hortagay weeraro ay deeganadaasi ka abaabuleysay Alshabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa muuqday iskaashi balaaran oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, iyagoo si wadajir ah u fuliyey howlgallo baaxad leh, kuwaasi oo lagu sifeynayey Alshabaab deegaanada kala duwan ee ay kaga sugan yihiin dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed