Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay hawlgal culus oo xalay ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kaasi oo lagu dilay tiro badan oo Alshabaab ah.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Ciidamada Kumaandooska Danab ay xalay fuliyeen hawlgal gaar ah oo si qorsheysan loogu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab — waxaana howlgalkaas lagu dilay 15 maleeshiyaad, halka 8 kale gacanta lagu dhigay.
Howlgalka oo dhacay xilli habeen ah ayaa muujinaya sida wasaaraddu sheegtay kororka awoodda howlgal ee Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan adeegsiga gaadiidka cirka, taas oo suuragelisay in la ballaariyo howlgallada—lana gaaro sida hadalka loo dhigay “cadowga” goob kasta iyo waqti kasta.
Dhanka kale, warkan Wuxuu ku soo aadaayaa saacado kadib markii dowladda Soomaaliya sheegtay in la dilay maskaxdii qaraxyada kooxda ee gudaha iyo dibadda, taasi oo lagu dilay 2 xubnood laf-dhabar u ahaa abaabulka iyo Farsamada. Habeen hore ayay sidaan oo kale Ciidamada Danab howlgal uga fuliyeen deegaanka Buula-fulaay ee gobolka Bay, halkaas oo lagu dilay ku dhowaad 30 maleeshiyaad Alshabaab ah.
HBN ONLINE TV

