Isbeddeladii u dambeeyay ee Geeska Afrika ayaa sii xoojiyey xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo wadahadallo ku saabsan heshiiska saldhigga ciidamada badda ee Adis Ababa ay ku doonayaan in ay ka helaan Somaliland ay walaac siyaasadeed ka abuurtay gobolka.
Shirkii saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta ee ka socday magaalada Doha ee dalka Qatar, ayaa lagu soo gebagebeeyey qodobo muhiim ah, iyadoo Bayaanka Doha oo ka kooban 16 bog. War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in Soomaaliya ay taageerayaan amniga, xasilloonida, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed, iyadoo dhanka kale cambaareyay “Heshiiska Is-afgaradka” ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen Janaayo 2024. War-saxaafadeedka ayaa lagu cambaareeyay hishiiskaas oo ay ku tilmaameen mid xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah, madaxbannaanida Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka qeyb galay madasha, isagoo hoosta ka xariiqay mowqifka adag ee Soomaaliya ka taagan tahay dukumentiga iyo wax kasta oo ka dhashay. Bayaanka ayaa lagu adkeeyay in la taageero dadaallada nabadeed, waxaana lagu cambaareeyay isku dayga lagu doonayo in lagu beddelo muuqaalka juqraafi ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Rajada laga qabo in Itoobiya saldhig milatari ka samaysato Somaliland, waxa ay walaac ku abuurtay daneeyayaasha gobolka, taas oo saamaysay amniga badda, madax-banaanida qaranka iyo dhaqdhaqaaqyada juqraafiyeed ee badda cas iyo gacanka cadmeed. Soomaaliya oo taageero ka heleysa xulafada Carabta ayaa heshiiska u aragta mid halis ku ah xasiloonida gobolka iyo amniga.
Xaaladda soo ifbaxday waxay hoosta ka xariiqday xaaladda cakiran ee juqraafiyeed ee Geeska Afrika, iyadoo dano iska soo horjeeda iyo muranno soo jireen ah ay jaangooyeen dhaqdhaqaaqyada gobolka.
HBN NEWS DESK