Dalalka caalamka oo muwaadiniintooda ka daadgureynaya wadanka Lubnaan.

Wadamada caalamka ayaa bilaabay in muwaadiniintooda ay ka daad gureeyaan dalka Lubnaan, kadib markii ay kordheen weerarada gardarada ah ee Israel ay ku heyso deegaano kala duwan oo ku yaala koonfurta iyo bariga dalkaasi oo ay ugu horreyso dhanka koonfureed ee magaalada caasimada ah ee Beirut.

Inkastoo inta badan daadgureynta ay ka dhacdo garoonka diyaaradaha ee Beirut, wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka ee Lubnaan Ali Hamiyeh ayaa maanta xaqiijiyay, in mas’uuliyiinta Lubnaan ay heleynin “dammaanad qaad” intii ay socdeen xiriiro caalami ah in Israa’iil aysan bartilmaameedsan doonin garoonka diyaaradaha, hadana taasi aysan dhicin, maadaama weerarro culus ay ka dhacayeen agagaarka xarunta duulista hawada ilaa toddobaadkii hore.

Tan iyo 23-kii Sebtembar, Israa’iil waxay ballaarisay baaxadda duqeymaha ay ka geysaneyso Lubnaan si gaar ah caasimadda Beyruut, iyadoo duqeymo aan horay loo arag iyo duullaan dhanka dhulka ah ku qaaday koonfurta Lubnaan, taasoo xadgudub ku ah digniinaha caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.

Ilaa iyo hadda weerarrada waxay sababeen dhimashada 1,251 qof iyo dhaawaca oo gaaraya ilaa 3,618 qof, oo ay ku jiraan tiro badan oo haween iyo carruur ah, iyo in ka badan hal milyan oo barokac ah, sida laga soo xigtay xogta rasmiga ah ee Lubnaan.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed