Masar ayaa cambaareysay beegsiga ula kac ah ee ay ciidamada Israa’iil u geysteen hoyga barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Rafah ee dalka Falastiin.
Masar waxa ay ku boorinaysaa Israa’iil in ay u hoggaansanto mas’uuliyadeeda sharci iyo in ay dhaqangeliso awaamiirta Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ku aaddan in si degdeg ah loo joojiyo tallaabooyinka milatari ee Rafah.
Masar ayaa ku celisay codsigeedii golaha ammaanka ee ahaa faragelin deg deg ah oo lagu sugayo xabad joojinta Gaza iyo in la joojiyo dhaq dhaqaaqyada militari ee ka socda magaalada Rafah ee dalka Falastiin.
Masar waxa ay xooga saaraysaa muhiimada ay leedahay sharciga iyo waajibaadka bini’aadantinimo ee beesha caalamka si loo ilaaliyo rayidka Falastiiniyiinta iyo in laga ilaaliyo khataraha nafta halis galinaya.
Sidoo kale dalka Sacuudiga ayaa si kulul u cambaareyay duqeyntii Israel ay xalay ka geystay Rafax oo lagu tilmaamatay mid kamid ah weerarkii ugu xanuunka badnaa.
Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa cambaareysay xasuuqa isdaba jooga ah ee ay geysanayaan ciidamada guumeysiga Israa’iil’ kadib weeraradii dhawaan ka dhacay magaalada Rafah oo ay ku dhinteen tobanaan qof, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka sii baxay.
Dhanka kale Turkiga, Qatar, Cumaan iyo dalal kale ayaa ayaa si kulul uga hadlay isla markaana ku tilmaayay xasuuq ka dhan ah dadka reer Falastiin.
HBN NEWS DESK