Adduunkii siyaasaddii lagu xukumayay ee reer galbeedka garwadeynku ka ahaa ayaa todobaadkan afka loo tuuray, iyadoo Mareykanka iyo saaxiibadii ay daawanayaan waxa socda, isla markaana aysan waxba ka saameyn karin isbedadasocota ee khatarta ah.
(Iyadoo jirto xaqiiqadda ah, in 24kii saac ee ugu dambeeyay markab dagaal oo uu Mareykanku leeyahay Shiinuhu ku qashaqasheen badda koofureed ee Shiinaha. Ruushkuna Badda Maddow diyaaradda loo yaqaani B52 ee Mareykanku lee yahay uu diyaaradda dagaalka ku qashqashay oo sawir ka soo qaadeen lagu baahiyay barraha Bulshadda.
Waxaa moodaa waagii cusbaa ee madaxweynaha Ruushu sheegayay markii uu la kulmay madaxweynaha Shiinaha in uu durba bilowday! Mareykankii dunidu ay u xirneyd waxaa moodaa in la dirqinayo oo waxaa la rabaa in duniddii uu kaligii u talin jiray lala maamulo ama laga rito.)
Waxuu isbedelkan ku soo aaday iyadoo meel lago galo la la’ahay ceebtii ka dhalatay weerarkii Mareykanka ee Ciraaq.Labaatan guuraaggii dagaalkii uu Maraykanku ku qaaday Ciraaq ayaa la xusayaa dhibkii ka dhacay dalkaa iyo dadkii gardaradda lagu laayay iyo danbiyadii dagaal ee la geystay oo aan cidna lagula xisaabtamin.
Adduunka amarku taagleyn waa ka dhamaaday, sida qabiiradda Mareykanka ee arrimaha caalamka ay xusayaan iyo wixii in mudo ah laga baqayay oo si deg deg ah ku dhacya. Maxay aheyd waxa Mareykanku ka baqayay mudda dheer?
Mareykanku waxaa uu hor taagnaa sida khabiiradu ay sheegayaan in Shiinaha iyo Ruushku uu xiriir fiican ay yeeshaan muddo afartan sanno ah, hase ahatee haddaindhihiisa oo shan ah ayaa la midowbay oo la iska kaashanayaa xag dhaqaale iyo xag milatari intaba.
Awoodda Dhaqaale iyo waxsoosaar ee Shiinaha.
Waxaa xusid mudan in dalka horumarka weyn sameeyay 20kii sanno ee la soo dhaafay in yahay shiinaha oo xagga waxsoosaarka, dhaqaalaha iyo dhisidda kaabayaasha uu hadda ka yahay kaalinta kowaad caalamka oo dhan.
Xagga aqoonta, seyniska, teknoolajiyadda , dhisidda dayaxgacmeedyo IWM isagaa hogaaminaya ayaa khabiiradda qaar ay lee yihiin, Mareykankana waxaa la dhaafay sanadkii hore. Xagga waxsoosaarka caalamka shiinaha hadda uu gaaraykaligii boqolkiiba soddon.
Shiinuhu waxaa uu dhisayaa ciidamadiisa oo uu ku qalabeenayo diyaarado, maraakiib, gujisyo iyo gantaalo codka ka dheereeya iyo madaxyo nukliyeer ah. Waxuu isu diyaarinayaa in uu danihiisa in uu cudud militiri iyo qalab militaro oo casri ah ku ilaashado.
Shiinaha caalamka kuma laha saldhogyo militari, haddana waxaa u suurooday in uu dal walba uu xiriir fiican la leeyahay. Waxuu dhawaan heshiis dhexdhigay Sacuudiga iyo Iraan oo in mudo ah xiriirkoodu aad u xumaa.
Shiinaha iyo dalalka caalamka.
Dalalka bariga ee dariska la ah Shiinaha marka laga reebo Japan inta kale waxuu la’ lee yahay xiriir iskaashi oo xoog lehoo uu maalgalin xoog leh ku sameystay.
Inta badan dalalka laatiin Amerika oo Mareykanka daris dhow la ah, waxaa uu xiriir dhow la leeyahay 28 dal, halka Afrika oo uu muddo dheer ka shaqeenayay kaabayaal muhiim ah uu rabo in uu hantiyo.
Hadda waxuu shiimaha u soo jeestay dalalka barigga dhexe oo hore saaxiib dhow ula ahaa Mareykanka iyo reer galbeedka. In ka badan 300 oo kun oo dalka shiinaha ka soo jeeda ayaa degan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kaligiioo shirkado iyo ganacsi ku leh.
Waxa cusub waxaa waaye, in hadda Shiinahu uu qorshe nabadeed ka wado dagaalka Yukareyn. Marka laga gudbo in uu dalka shiinaha xubin ka yahay golaha amaanka, waxaa moodaa in dubulumaasayadiisa caalamka ay ka macno badan tahay, kana wax tarsanntahay tan dalka Mareykanka sida uu qabo mid ka mid khabiiradda Mareykanka ee arrimahacaalamka.
Warar aan la shaacin ayaa sheegaya in madaxweynaha Yukareen uu rabo in uu madaxweynaha shiinaha kala hadlo qorshaha nabadda ee uu soo jeediyay ee uu ruushku ku sheegay bilow fiican.
Waxaa insha lagu wada hayaa arrinta Yukareyn sida loo dhameenayo, markii la ogaaday in dagaal aan waxba looga qaadeyn Ruushka. Waxaa sidoo kale laga dhur sugayaa waxa Mareykanka iyo Reer galbeedka ay ka yeelayaan madaxweynaha Yukreyn haddii uu nabad qaato.
Ruusha oo Dalalka Afrika Shukaansanaya.
Dalka Ruushka ayaa isna dhankiida qorsheenaya in bilaha Juun ama July in uu shir weyn u qabto dalalka Afrika. Sanadkii hore dabayaaqadiisa ayaa Mareykanku shir la yeeshay dalalka Afrika ee lagu xoojinayo ganacsiga iyo maalgashiga Afrika.
Waxaa marag ma doonta ah, ilaa iyo hadda in qaaraddan hodonka ah ay dhex wareegaya shiinaha iyo Ruushka oo wada qorshe ay ku shukasnsanayaan dalalka Afrika oo wata howlo ka culus ka mareykanka deeq iyo waxtarba sida la sheegay.
khuburadda arrimaha Caalmku waxay isku raacsan yihiin in adduunku uu galay marxalad cusub oo awoodii weyneyd ee Mareykanka laga soo hoos baxay. Dalalka reer galbeedka ee saaxiibka dhow la ah Mareykanka ayaa la aaminsan yahay in ay soo wajaheyso dhaqaalo xumo ka dhalaneysa shidaal iyo gaas la’aan.
Dalalka shidaalka soo saara waxaa ka go’an in ay danahooda u heelan yihiin oo ay ka shaqeynayaan in shidaalkooda iyo badeecadooda ku rabaan silicirka uu suuqa ka joogo.
Soomaaliya oo dalalka Waaweyn daneenayaan.
Ugu dambeyn, iyadoo uu caalamka ka socdo saaxiibo kasbasho iyo tartan saaxiibo lagu shukaansanayo ayaa dowladda Soomaaliya ee ka soo kabaneysa dhibaato muddodheer ragaadisay ayaa moodaa in fursad u soo baxday oo aylabadda dhinacba daneenayaan oo ay kulamo la yeelanayeen sanadii dhamaaday dabayaaqadiisa.
Kullankii Shiinaha iyo dowladda Soomaalida ee sacuudiga ka dhacay iyo kullankii Mareykanka ka dhacay ayaa wax badan laga sheegin, marka laga reebo xogta dadka arrimahacaalamka lafagura ay heleen… Labadda kullanba muhiim bay u ahaayeen dhinacyadda, laakiin waxay ugu dambeyn tagi sida dalalka kale in Soomaliya ee dhinac fanteedaku jirto raacdo.
Soomaaliya dan u gaar ah ma lee dahay.
Haddaba, Mareykana waxaa uu u muuqdaa marka la fiiriyo Soomaaliya halka ay uga taalo caalamka in uu doonayo in uu dowladda Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamud uu si hagar la’aanka ula shaqeeyo si uu saldhig milatari uga shaqshaqdo iyo wixii kale oo hore ugu nusnaa, maadaama Gacankii Carabta laga leexsanayo, adduunkiina quwado kale ku soo bexeen.
War iyo dhamaantii, dhanka Soomaalida waxaa laga rabaabiseyl iyo siyaasad hufan oo ay kula falgalaan adduunkan isbedelaya oo saaxiibo iyo maalgalin iyo dhisid kaabayaal iyohorumar lagu tartamayo.
Waxaa dow ah in gorgortan mug leh oo dalkan iyo dadkiisa wax tar u leh loo baahan yahay marxaladan kala guurka ah eelabadda dhinac midkee Soomaalidu ay wax weyn uga daadsan kartaa.
Haddii kale arrintu waxay noqoneynsaa waxii ay Soomaalidu ku sheegi jiray, “ lax dhukan Abaar moog.” Adduunka maanta jira dal walba waxuu ka shaqeeyaa dantiisa ee danta dalka Soomaaliyeed ha loo guntado, inta ee goori goor tahay.
Qore: Mohamed Mohamud Cadde.
Waa Aqoonyahan iyo lafegure arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.
Dhamaad.