Dagaalyahannada Falastiin & Israel oo iswaydaarsay gantaallo & xiisad aloosan

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ee reer Falastiin iyo ciidamada Israel ayaa iswaydaarsaday gantaallo iyadoo xalay dhawaaqa madaafiicda iyo qalabka digniinta bixiya laga maqlayey Suryada Gaza iyo Israel.

Xiisaddan ayaa ka dambaysay ka gadaal markii ciidamada Israel duqeyn ku dileen 10 qof oo uu ka mid yahay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Islamic Jihad ee PIJ, ninkaas oo lagu magacaabi jiray Tayseer Jabari.

Isla markiiba xooggaga Falastiiniyiinta ayaa weerarkaasi kaga jawaabay gantaallo ay la beegsadeen Israel. Masuuliyiinta caafimaadka Gaza ayaa sheegay in duqeynta Israel dadka ku dhintay ay ka mid tahay gabar yar oo shan sano jir ah.

Ururka PIJ ee reer Falastiin ayaa dilka hoggaamiyaha ka tirsan waxay uga jawaabeen 100 gantaal oo ku rideen Israel, laakiin badi gantaalaha ayaa waxaa ka hortagay qalabka ka hortaga gantaalaha ee Dome loo yaqaan.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay soo celiyeen duqeymaha ay u gaysanayaan goobo ku yaal Gaza, iyagoo ilaa saaka waday duqeynta.

Xaalladan ka soo cusboonatay Gaza ayaa dunidu si wayn uga hadashay, Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan qorshaha nabadda Bariga Dhexe, Tor Wennesland, ayaa ka digay qatarta ku gadaaman xiisadda iyo in looga sii daro waxaana uu sheegay in dhalin doonto dhibaato bini’aadamtinimo xilli dunida ay aafeeyeen colaado kale.

Turkiga oo ka hadlay duqeymaha cusub ee Israel si ba’an ayuu u cambaareeyey ficillada Israel, waxaana Turkigu uu sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin duqeymaha Israel oo dad rayid oo caruur ka mid tahay wax ku noqdeen.

Laakiin Mareykanka ayaa sidii caadada ahayd dhanka Israel maray oo taageeray, John Kirby, oo ah isku xiraha Guddiga Amniga Qaranka Mareykanka aayaa difaacay weerarada Israel, balse wuxuu ugu baaqay labada dhinac inay isxakameeyeen.

Dawlada Qadar waxay sheegtay inay ka xuntahay weerarkii Jimcaha, waxaana ay ku baaqday in adduunyadu ka shaqayso sidii ciidamada Israel ee qabsaday Falastiin ay joojin lahaayeen waxyeelaynta dadka shacabka ah oo ay ka mid yihiin haweenka iyo caruurta.

Jordan – waxay ku baaqday in Israel joojiso gardarrada, waxaana ay sheegtay in qatarta imaan karto iyadoo cawaaqibxun ay keeni karto haddii xiisaddu sii kororto.

Ururrada hubaysan & xukuumadda Falastiiniyiinta ayaa si isku mid ah u qaatay mowqif ay kaga dhiidhinayaan weerarada Israel.

Kooxda Islamich Jihad ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen “cadowgu wuxuu wadaa weerar ka dhan ah dadkeenna waxaana na saaran waajib ah inaan difaacno”

Xamaas oo maamusha Gaza waxay sheegeen in weerarada Israel ee Gaza ay yihiin “dambi cad oo gumaad ah” isla markaana dhinacyada Falastiiniyiintu ka fakarayaan tallaabada u furan.

Dhanka xukuumadda Falastiiniyiinta ee fadhigeedu yahay daanta Galbeed waxay cambaareeyeen “gardarada” Israel ee ka dhanka ah suryada Gaza, waxaana ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo ficilkaas.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed