Wararka ka imaanaya ay sheegayaan in dagaal cuus uu saaka oo Arbaco ah uu ka dhacay magaalada Al Faashir, oo ah caasimadda gobolka Daarfurta waqooyi ee galbeedka dalka Sudan, saacado kadib markii ciidanka Sudan ay ku dhawaaqeen inay la wareegeen goobo difaac oo muhiim ah oo ku yaalla magaalada.
Dagaalku wuxuu xoogiisu ka dhacay dhinacyada waqooyi iyo bari ee magaalada, taas oo tan iyo sannadkii 2024 ay go’doomiyeen xoogagga Gurmadka Deg Degga ah ee loo yaqaan RSF.
Ciidanka Suudaan ayaa bayaan ku sheegay in ay awood u yeesheen in ay nadiifiyaan goobo difaac oo ay hore u haysteen xoogagga RSF, kaddib hawlgallo khaas ah oo ay bilaabeen Talaadadii, isla markaana ay khasaare badan gaarsiiyeen kooxdaas, hub iyo gaadiid dagaalna ka qabsadeen oo uu u dhammaystiran yahay qalabkoodii, islamarkaana ay burburiyeen lix gaari oo kale oo ay ku jireen kuwo gaashaaman.
Ciidanka Sudan ayaa sheegay in RSF ay weerar ku soo qaadeen dhinaca koonfureed ee magaalada Al Faashir, balse ay iska difaaceen, ayna khasaare culus gaarsiiyeen.
RSF waxay go’doon ku haysay magaalada Al Faashir tan iyo 10-kii May 2024, halka ciidanka Sudan ay tan iyo markaas isku dayayeen inay dib ula wareegaan magaalada oo ah xarunta gargaarka bani’aadamnimo ee shanta gobol ee Darfur.
Al Faashir waxay leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo aad u weyn, waxaana la rumeysan yahay in haddii ciidanka Sudan si buuxda ula wareegaan, ay noqon karto bilowga guuldarro weyn oo soo wajahda RSF, taas oo horey gacanteeda ka baxeen magaalooyin waaweyn, sida caasimada Khartoum oo bishii March lagala wareegay.
Aagagga ay gacanta ku hayaan RSF ayaa si degdeg ah u yaraanayay gobollo badan oo Sudan ah, iyadoo ciidanka Sudan ay guulo ka gaarayeen gobollada Khartoum, Niil-ka Cad, iyo Kordofaanta Waqooyi.
Tan iyo bartamihii Abriil 2023, waxaa Sudan ka socday dagaal u dhexeeya ciidanka qaranka iyo RSF, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan kumanyaal kun oo qof, halka ay barakaceen ku dhowaad 15 milyan, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay iyo masuuliyiin maxalli ah.
HBN Online TV