Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in maalintii 20-aad dagaallo xiriir ah oo u dhaxeeya Ciidamada Dimuqraadiyadda Suuriya ee magacooda loo soo gaabiyo SDF iyo kooxaha hubeysan ee taageersan Turkiga kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka loo bixiyay “Waaberiga Xorriyadda” ay ka socdaan agagaarka Buundada Qarah Gozak iyo nawaaxiga Biyo-xireenka Tishreen ee Waqooyiga dalka Suuriya.
Dagaallada xooggooda ayaa maanta ka socda nawaaxiga miyiga magaalada Hasakah, sida ay ku warrantay Hay’adda La socodka Arrimaha Xuquuqda Aadanha Suuriya.
Hay’adda ayaa sheegtay in dagaalo xoogan ay waaberigii saakay ka dhaceen khadka hore ee u dhexeeya aagga “Gu’ga Nabadda” iyo meelaha ay maamulaan Kurdiyiinta ee miyiga Abu Rasin iyo Tal Tamr ee gobolka Hasakah.
Warka ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo SDF ay bartilmaameedsadeen saldhigyada ciidanka Turkiga iyo kooxaha hubeysan ee ku sugnaa aagga lagu dagaallamayo. Weeraradaas ayaa sababay dhimasho & dhaawac.
Tirada guud ee dhimashada tan iyo markii dagaalladu bilowday ayaa ka sara martay 120 qof oo labada dhinac ah iyadoo dagaaladuna ay wali sii socdaan isla markaana aanan la awoodin in isbahaysiga caalamiga ah uu ku guuleysto xabbad-joojin, iyadoo ay jiraan hanjabaado Turkigu ku doonayo inuu ku soo duulo kuna burburiyo unugyada Kurdiyiinta ee waqooyi-bari Suuriya.
Ciidamada Dimuqraadiyadda Suuriya (SDF), oo taageero ka helaya isbahaysiga caalamiga ah ee uu hogaamiyo Mareykanka, ayaa ahaa hormuudka dagaalka ka dhanka ah ISIS, waxayna ku guuleysteen inay ka saaraan kooxdan dhulalkii ugu dambeeyay ee ay gacanta ku haysay sannadkii 2019.
HBN Online TV