Dagaalka Ukraine oo saameyn ku yeeshay cuntada adduunka

Ukraine iyo Ruushka waa dalalka ugu balaaran ee soo saara cuntooyinka aasaasiga ah, laakiin taasi waxaa hadda qalqal galiyey dagaalka.

Si wada jir ah waxay u soo saaraan ku dhawaad saddex meelood meel sarreenka adduunka laga istcmaalo, qiyaastii shan meelood meel galleyda, iyo boqolkiiba siddeetan saliidda gabbaldayaha.

Haddaba maxaa soo kordhay? golaha wasiirada waxay mamnuuceen in la dhoofiyo sarreenka iyo dalagyada kale.

Beeralay badan ayaa hubka qaatay. Kuwa kale ee wali ku hawlan beerashada waxay diirada saarayaan inay cunto gaarsiiyeen Ukrayniiniyiinta, ,Muuqaaladan waxay muujinayaan darawalo iskaa wax u qabso ah oo baabuur qamadi ku keenaya Kyiv in kastoo ay khatartu jirto.

Ruushka ayaa wali si rasmi ah u dhoofin kara dalagyada – laakiin ku dhawaad dhammaan shixnadaha caalamiga ah ayaa istaagay, si ay ugu hoggaansamaan cunaqabataynta reer galbeedka.

Waxa kale oo qaylo dhaanta keenaya waa sahayda bacriminta. Ruushka waa mid ka mid ah dalalka wax soo saarka ugu weyn adduunka, wuxuuna ku fekerayaa inuu joojiyo dhoofinta.

Laakiin beeralayda ma haystaan waxyaabihii macraminta ee ay u baahnayeen, waxaa yaraan doonta dalaga ay soo saari doonaan taasi oo sicirka cuntada sara u qaadi doonta.

Xiligii gu’ag berasha da ayaa la joogaa oo halkan wax lagu beeri lahaa – taa beddelkeeda cagaf-cagafyadu waxay jiidayaan taangiga Ruushka ee laga tagay. Durba qiimaha cuntadu waxa uu gaadhay heerkii ugu sarreeyey abid – kuwa uwa ugu saboolsan adduunka ayaa dhibku u badnaan doonaa

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed