Dagaalka magaalada Laascaanood oo galay maalintii 18-aad

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaal maalintii 18-aad ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ku dhex maraya ciidamada Somaliland iyo xoogagga ka soo horjeeda ee doonaya in Somaliland ka baxdo deegaannadaas.

Dagaalka maanta ayaa ka socda goobihii horey loogu dagaalamayay iyadoo la isku adeegsanayo noocyada kala duwan ee hubka, waxaa intaasi ii sheer madaafiic magaalada lagu soo ridayo oo dhalisay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hanta isugu jira.

Inkastoo magaalada ay ka qaxeen badi dadkii rayidka ahaa haddana waxaa jira khasaare soo gaaray dadkii koobnaa ee rayidka ahaa ee ku haray xaafadaha magaalada ka tirsan.

Dagaalka xooggiisa ayaa ka socda agaggaaraha guriga Gobolka ilaa Gooja Cadde oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidanka Somaliland, sidoo kale dhanka Bari ee magaalada ayaa dagaalka xooggiisa ka socdaa, inkastoo dhanka Galbeedkana laga soo sheegayo iska horimaad.

Labada dhinac ayaa bilowga dagaalka isku eedaynaya waxaase adag in la helo warar madaxbannaan oo ku aadan xaaladda, mana muuqdo dadaal ku aadan in xabadda la joojiyo, marka laga reebo baaqyo ka imaanaya dhinacyo kala duwan oo ku aadan joojinta rasaasta.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 200 kun oo qof ay ka qaxeen dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, waxaana dadkaasi oo u badan haween & caruur dhibaatio ku haysataa goobihii ay naftooda ula baxsadeen.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed