Wargeyska The Times ee ka soo baxa magaalada London ayaa warbixin uu daabacay ku sheegay in dagaalka Maraykanka uu kula jiro Iran uu si aan ula kac ahayn u taageerayo dib u soo kabashada kooxda ISIS, gaar ahaan gudaha Soomaaliya.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in iyadoo ciidamada iyo dadaallada milatari ee Maraykanku u wareegeen dagaalka Iran, ay yaraadeen hawlgalladii lagula dagaallamayay ISIS. Tani waxay fursad siisay kooxaha xiriirka la leh ISIS, gaar ahaan kuwa ka jira waqooyiga Soomaaliya, inay dib isu abaabulaan, shabakadoodiina dib u dhisaan, isla markaana fuliyaan weerarro cusub oo ka dhan ah bulshada deegaanka.
Ilo-wareedyo sirdoon ayaa sheegay in laanta Daacish ee Soomaaliya, inkastoo ay tiro ahaan yar tahay, ay door muhiim ah ka ciyaarto dhinaca maaliyadda iyo isku xirka hawlgallada caalamiga ah ee kooxda. Hoos u dhaca cadaadiska ka imanayay ciidamada Maraykanka ayaa u sahashay maleeshiyaadka inay si xor ah u dhaqaaqaan, isla markaana isu abaabulaan kooxo yaryar oo adag in la ogaado.
Warbixintu waxay sidoo kale ka digaysaa in leexinta awoodaha milatari ay keeni karto saameyn ballaaran, oo ay ka mid yihiin xasillooni darro ka dhalata gobollo kale iyo baxsashada kumannaan maxaabiis ah oo lala xiriirinayo ISIS. Guud ahaan, khubaradu waxay ka cabsi qabaan in dagaalka Iran uu wiiqi karo horumarkii sanadaha badan laga gaaray la dagaallanka ISIS.
HBN ONLINE TV

