Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ayaa xaqiijisay in weerarrada burcad-badeedda oo ka dhaca xeebaha Soomaliya ay si weyn u kordheen, iyadoo la diiwaangeliyay dhacdooyin afduub iyo weerarro ka dhacay badda u dhow Geeska Afrika.
Warar dhowaan la daabacay ayaa sidoo kale muujinaya in 3 markab la afduubtay hal toddobaad gudahiis, taasi oo sare u qaaday cabsi laga qabo dib u soo laabashada burcad-badeedda, isla markaana culays ku kordhisay warshadaha maraakiibta caalamiga ah.
Markabka ganacsi ee Sward ayaa la afduubtay 26-kii bishaan Abriil, maalin kadib markii doon nooca dhow ah la qabsaday. Dhacdooyinkan ayaa ka dambeeyay afduubkii 21-kii isla bishaan Abriil ee markabka shidaalka qaada ee Honour 25, kaasoo siday 18,000 oo foosto oo saliid ah, sida ay sheegtay Xarunta Amniga Badaha ee Badweynta Hindiya.
Khubarada ayaa sheegaya in kooxaha burcad-badeedda ay ka faa’iideysanayaan hoos u dhaca ilaalada caalamiga ah ee badda, maadaama qaar ka mid ah ciidamada loo wareejiyay meelo kale sida Badda Cas, taasoo u sahashay inay dib isu abaabulaan.
Ugu dambayn, warbixin ay daabacday Bloomberg oo soo xiganaysa Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ayaa sheegtay in dagaalka Iran uu sare u qaaday burcad-badeedda ka jirta xeebaha Soomaaliya, halka sawirro dayax-gacmeed ay muujinayaan markab shidaal oo Iiraan leeyahay oo ka muuqday jasiiradda Khark kadib sanado uu maqnaa.
HBN ONLINE TV

