Wararka ka imaanaya Deegaanka Qaycad ee koonfurta gobolka Mudug ayaa kuy soo waramaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo AlShabaab.
Dagaalkani ayaa bilaawday ka dib markii Ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen kooxda.
Saraakiisha milatariga ayaa sheegay in ay burburiyeen goobo badan oo Al-shabaab ay fariisin ku lahayd. Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalka ka socda.
Waxaa la soo wariyey in Khasaare kala duwan uu ka dhashay dagaalka, inkasta oo aan weli laheyn tirada rasmiga ah ee dhimasho iyo dhaawac.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

