Dagaal Xoogan oo Maalintii Saddexaad ka Socda Deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu maalintii saddexaad ka socdo deegaanka Aboorey oo hoos taga degmada Buulo-Burde.

Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo dagaalyahannada Al-Shabaab, iyadoo la xaqiijiyay in dagaalka uu ka socdo duleedka deegaanka Aboorey.

Afhayeenka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Abuukar Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada huwanta ah ay gaarsiiyeen AlShabaab khasaare xooggan inta uu socday dagaalka, inkastoo uu xusay in faahfaahin dheeraad ah dib laga sugayo khasaaraha rasmiga ah ee gaarsiiyey kooxda.

Dagaalka ayaa la tilmaamayaa inuu weli si goos goos ah uga socdo qeybo ka mid ah deegaanka Aboorey, iyadoo ciidamada dowladda ay wadaan howlgallo ballaaran oo lagu doonayo in lagu ciribtiro kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada gobolka Hiiraan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed