Dagaal u dhexeeya Jubbaland iyo Dowladda Federaalka oo ka bilowday Gedo

Israsaasayn ayaa ka socota gudaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, taasi oo u dhexeysa ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gudaha degmada Doolow ayaa la maqlayaa sida goobjoogayaal ay soo warinayaan dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidamo taabacsan maamulka Jubbaland.

Ilo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyey in dagaalka magaalada ka socda sida ay hadalka u dhigeen ay qeyb ka yihiin kuwa Itoobiya oo garab saar la leh Jubbaland, inkasta oo HBN ONLINE TV si rasmi ah u xaqiiji karin.

Sida oo kale rasaasta badi xoogeeda ayaa laga soo tabinayaa inay ka socota Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Doolow.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli degmada ay goor sii horeysay Jubbaland sheegtay inay magaalada ay ka dejisay Diyaarad siday masuuliyiin ka socda oo ka tegay Kismaayo.

Lama oga khasaaraha ka dhashay rasaasta laga maqlayo magaalada Doolow oo ay kuwada sugan yihiin Ciidamada dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Dadka degan degmada ayaa laga cabsi qabaa inay ka baxaan magaalada oo hoy u ah tobanaan kun oo qoys.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed