Dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleed oo ka socda Galgaduud

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya laba masheeyo beeleed uu ka socda deegaan ka tirsan gobolkaasi, kaasi oo laga soo waraniyoin khasaare kala duwan isagu jira dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay.

Dagaalka oo ka socda deegaan lagu magacaano Bali-seenyoone oo u dhexeeya Cadaado iyo Dhabad ee gobolka Galgaduud ayaan la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, waxaana wali is hor fadhiya maleeshiyaadkii dagaalamayay, sida ay sheegeen dad xog ogaal ah.

Dagaalkan oo daba socda dagaalo horey u dhacay oo dhinacyada dalaama dad iskaga dilay ayaa la sheegayaa in uu hadda yahay mid ku sii fiday deegaanka, ayna dhinacyada isku hub aruursanaayaan, ilaa haddana jirin cid soo kala dhex gashay.

Maamulka Galmudug ayaa weli wax war ah ka soo saarin xiisadan dagaal ee ka soo cusboonaatay deegaanka Bali Seenyoone oo u dhaxeeya Cadaado iyo Dhabad ee gobolka Galgaduud.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa labada dhinac dad deegaanka ku soo waramayeen in ay isku horfadhiyeen halka deegaanka, iyada oo suurtagal tahay in dagaalku sii balaarto.

HBN ONLNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed