Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawaca ku dhawaad 40 ruux oo ka socda Gobolka Mudug

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal beeleed dhimasho iyo dhaawac sababay gaaraya ku dhawaad 30 ruux oo ka socda qaybo ka mid aha gobolka Mudug.

Inta la xaqiiijiyey waxaa dhintay in ka badan 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 30 kale, ka dib markii dagaal ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Buuq oo dhaca Bariga Gobolka Mudug.

 

Waxaa la soo tabiyey in dagaalkan in uu soo bilowday shalay, kaasi oo saameyey isku socodkii deegaanka iyo qaybaha kale ee gobolka.

Laamaha amniga maamulka Puntland ayaaa ilaa hadda ka hadlin maleeshiyaadka deegaanka ee ku dagaalama deegaanka Buuq ee bariga gobolka Mudug.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed