Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo maanta ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab kadib marka sida la sheegay ay kooxdu soo weerareen saldhig ciidan oo halkaasi ku yaalla.
Dagaalka oo socday saacado badan ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ilo militari ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay ugu yaraan 8 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, halka saddex askari oo ciidamada dowladda ah ay ku dhinteen, iyo shan kale oo dhaawacmay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 14-ka October, ay howlgal qorshaysan oo ay ku tilmaameen sifeyn ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga Janaale, kuwaas oo ay ku burburiyeen doomo ay Alshabaab ku kala gudbi jireen wabiga iyo goobo ay shacabka ku cunaqabateyn jireen sida hadalka loo dhigay.
Howlgalka ayaa ka dhacay tuulooyinka Malable, Beeraha Baay, Siigaale Bari iyo Doonkaa-Daafeedow, iyadoo ciidanku ay xaqiijiyeen in Janaale ay weli ku jirto gacanta dowladda, isla markaana laga wado dhaq-dhaqaaqyo amni oo lagu sugayo xasilloonida deegaanka.
Weerarkan ayaa qayb ka ah weerarro hore oo kooxda Alshabaab ka fulisay gobolka Shabeellaha Hoose, xilli ay socdaan howlgallo culus oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM ka wadaan gobolkaas, kuwaas oo dhawaan kooxda looga saaray degmada Awdheegle.
HBN ONLINE TV