Wararka hadda naga soo gaaraya degmada istiraatiijiga ah ee Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaanka hoostaga ee Gumarre uu saaakay ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyey ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda oo garab ka helaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab, halkaasi oo markale maalin ka dib ay kooxdu weerar ismiidaamin ah ku bilowday dagaalka ay ku soo qaaday.
Dagaalka saaka oo ka bilowday qaraxyo culus oo lagu lala beegsaday fariisimo ama bar muhiim ah oo laga sugo ammaanka degmada ayaa sababay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.
Xogaha laga helayo gudaha magaalada ayaa wali aad u kooban, sababo la xiriira cilado dhanka isgaarsiinta ah, balse, goobjooge aan la hadalnay ayaa sheegay in dagaalka uu sababay khasaare ballaaran, inkastoo aysan suurtagal ahayn in si rasmi ah loo xaqiijiyo tirada dhimashada iyo dhaawaca. Goobjooguhu wuxuu sidoo kale sheegay in uu ka mid yahay dadka la dilay ganacsade hore uga qayb qaatay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya oo guullo hordhac ah ka sheegataya ayaa sheegtay in Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ay si adag uga hortageen weerarka saaka Alshabaab ku qaadeen deegaanka Gumare, oo hoos taga degmada Moqokori.
Bayaan lagu daabacay bogga Radio Muqdisho oo afka dowladda ku halda ayaa lagu yirir “Sida ay Warbaahinta Qaranka u sheegeen saraakiisha hoggaamineysa dagaalka, ciidamada huwanta ah ayaa jebiyay weerarkii Alshabaab, iyadoo firxadkooda la sii baacsanayo. Dagaalka weli wuu socda, waxaana saraakiishu sheegeen in Khasaaro culus la gaarsiiyay Khawaarijta, isla markaana meydadka maleeshiyaadka argagixisada ah ay daadsan yihiin goobaha dagaalka”.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay socdaan gulufyo ballaaran oo ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda Federaalka ay ka wadaan gobolka Hiiraan iyo maalin ka dib markii kooxda halkaasi ay weearar ay ku qaaday looga dilay ka badan10 sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga.
Isha ku haay HBN ONLINE TV