Ciidanka Sudan iyo xoogagga Taageerada Degdegga ah (RSF) oo si adag ugu dagaallamaya Khamiista si ay u maamulaan Buundada istiraatiijiga ah ee Soba, taas oo isku xirta galbeedka iyo bariga Khartuum.
Ilo xog-ogaal oo ku dhow ciidanka Suudaan ayaa u sheegay warbaahinta in militariga Suudaan ay weerarro kula beegsadeen RSF meel u dhow halka laga soo galo Buundada Soba ee dhanka Bari ee magaaalada Khartuum ee caasimada ah.
Xigashadu waxay xaqiijisay in ciidanka iyo xoogagga taageeraya ay hadda ku sugan yihiin aagga Sheikh Mustafa al-Fadni, oo qiyaastii 20km u jirta buundada dhankeeda bari.
Sidoo kale, ilo ku dhow xoogagga la magac baxay Gaashaanka Suudaan oo taageeraya ciidamada militariga, ayaa sheegay in dagaalyahannadooda ay dagaal adag kula jiraan RSF dhanka koonfureed ee Buundada Soba. Wararku waxay intaa ku dareen in saddex xubnood oo ka tirsan Gaashaanka Suudaan ay ku dhinteen dagaalka.
Wariyeyaasha ku sugan Khartuum ayaa ka soo xigtay hogaamiyaha Golaha Sare iyo taliyaha militariga, General Abdel Fattah al-Burhan, in ciidanka Suudaan ay dhowr tallaabo u jiraan inay si buuxda u maamulaan Buundada Soba.
Buundadan waxay muhiim u tahay RSF, maadaama ay isku xirto bariga Webiga Niil iyo Khartuum, taasoo u fududeynaysa dhaq-dhaqaaqooda ciidan. Haddii militiriga Suudaan ay la wareegaan, waxaa la dhimi doonaa awoodda RSF ee ku sugan gudaha Khartuum.
Dagaalladan ka socda aagga Soba waxay daba socdaan guulihii milateriga Suudaan ay ka gaareen Khartuum iyo gobolka Jazira maalmihii lasoo dhaafay.
Dhinaca kale, wararka saaka laga helayo Khartuum soo sheegay in militariga Suudaan ay duqeymo cirka ah la beegsadeen xarumaha RSF ee aagga Bariga Niil, oo ku dhow Waqooyiga Khartuum.
Arbacadii, militariga Sudan waxay shaaciyeen inay guulo waaweyn ka gaareen Khartuum, iyagoo la wareegay xaafadda Rumaila, xarunta sahayda caafimaadka, iyo xarunta daabacaadda lacagaha ee galbeedka magaalada.
Ilo milatari ayaa sheegay in cutubyada gaashaaman ee ciidanka Suudaan ay hadda u dhow yihiin waddada al-Ghaba, taasoo horseedi karta dagaal toos ah oo ku dhex mara labada dhinac bartamaha Khartuum, halkaas oo RSF ay difaac xooggan ka dhisatay.
Omran Suleiman oo ah la-taliyaha taliyaha RSF, , ayaa dhankiisa sheegay in ciidamadoodu ay diyaar u yihiin dagaalka Khartuum, wuxuuna ku hanjabay in magalada Khartuum ay noqon doonto xabaalaha cadawga iyo dadka la soo kireystay. Wuxuu intaa ku daray in dagaalka Suudaan uu dhow yahay gebogebo.
Laba toddobaad ka hor, militariga Suudaan waxay jebiyeen go’doonkii RSF ay ku hayeen xarunta taliska guud ee militariga iyo xerada isgaarsiinta, kadib dagaallo culus oo ka dhacay bartamaha Khartuum Waqooyi.
Hoggaamiyaha RSF, Mohamed Hamdan Daglo (Hemedti), ayaa toddobaadkii hore qirtay in xoogaggiisu ay dib u dhac la kulmeen Khartuum, balse wuxuu ku adkeystay in ay mar kale dib ula wareegi doonaan magaalada.
Tan iyo bishii Abriil 2023, Sudan waxaa ka socday dagaal qaraar oo u dhexeeya militariga iyo RSF, dagaalkaas oo sababay dhimashada in ka badan 20,000 oo qof iyo barakicinta ku dhowaad 14 milyan sida laga soo xigtay xogta Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maxalliga ah. Warar kale waxay sheegayaan in tirada dhabta ah ee dhibbanayaashu ay aad uga badan tahay inta rasmiga ah ee la shaaciyay.
HBN Online TV