Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo saaka kooxda Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigyada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaal xooggan ayaa la soo sheegay in uu halkaas ka dhacay, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka iska caabiyeen weerarka, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay. Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay khasaare xooggan oo labada dhinac soo gaaray, ayna jiraan saraakiil dowladeed oo ku dhimatay, inkasta oo aan si madax banaan loo xaqiiji karin.
Inkasta oo warar horudhac ah ay sheegayaan in Al-Shabaab ay la wareegtay qeybo ka mid ah degmada, haddana ilo kale ayaa tilmaamaya in kooxdu ay ku sugan tahay hareeraha magaalada, halka ciidamada dowladda ay weli difaac adag ka sameeynayaan gudaha Aadan Yabaal.
Xaaladda Aadan Yabaal ayaa weli kacsan, mana jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka ama Wasaaradda Gaashaandhigga oo si buuxda u xaqiijinaya tirada khasaaraha iyo halka ay xaaladdu marayso.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada qof iyo cod, oo la filayo inay ka dhacdo degmooyinka ay dowladda gacanta ku hayso — waxaana maalintii shalay si rasmi ah looga daah furay Muqdisho barnaamijkaas.
Isha ku haay HBN ONLINE TV