Dagaal Khasaare rayid sababay oo ka dhacay Caabudwaaq Galmudug

Dagaal culus oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramaaya inuu dhaliyey khasaare kala duwan oo badi soo gaaray dad ah, kadib markii uu muran ka dhashay dhismaha albaab cusub oo uu yeesho saldhigga booliska uu isku beddelay iska horimaad hubeysan oo dhexmaray ciidamada booliska iyo maleeshiyaad beeleed hubeysan.

Iska horimaadka oo socday muddo saacado ah ayaa sababay khasaaro naf iyo maalba leh, waxaana wararka hordhaca ah sheegayaan in dad rayid ah ay waxyeelladu soo gaartay iyo labada dhinac ee kale. Lama hayo tirada rasmiga ah ee dhimasho iyo dhaawac, maadaama xaaladdu ay weli kacsan tahay, ayna adag tahay in la helo xog dhameystiran.

Dagaalka ayaa si weyn uga gilgilay xaafadaha magaalada, iyada oo cabsi xooggan iyo argagax ay ku baahday bulshada rayidka ah, kuwaas oo qaar badan ay guryahooda ku xanibmeen.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug iyo odayaasha dhaqanka ayaa bilaabay dadaallo lagu xoojinayo nabadeynta iyo in la joojiyo dhiigga daadanaya. Ilo amni ayaa sheegay in ciidamada lagu xoojiyay magaalada si looga hortago inuu dagaalku sii fido ama dib u qarxo.

Caabudwaaq oo ah magaalo istaraatiiji ah oo ku taalla waqooyiga Galgaduud, ayaa dhowr jeer hore u wajahday isku dhacyo la xiriira khilaafaad beeleed, waxaana xaaladda haatan ah ay markale muujinaysaa baahida loo qabo xal waara iyo xoojinta hay’adaha ammaanka.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed