Dagaal ayaa dib uga qarxay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta u ah Gobolka Sanaag, kaasi oo u dhaxeeya SSC-Khaatumo iyo Somaliland.
Waxaa la soo sheegayaa in dagaalka uu ka socdo deegaan lagu magacaabo Dhuur Madare oo bannaanka ka ah Magaalada Ceerigaabo.
Sida oo kale waxaa la soo sheegayaa in dagaalka uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse lama oga inta uu gaarsiisanyahay Maadaama hadda uu dagaalka socdo.
Muuqaal la sheegay in goobta dagaalka uu ka socdo ay yihiin ayaa muujinaya dab qabsaday qiiq iyo uuro cirka isku shareeray oo loo badinayo keyn dab qabsaday.
Dad goobjoogeyaal ayaa soo sheegay in dhinacyada dirirtu u dhaxayso ay isu adeegsanayaan hub culus, kaasi oo laga cabsi qabo in khasaaraha sii kordhiyo.
Xalay, Duqa gobolka Sanaag ayaa amray ciidamada Ammaanka Somaliland sida uu hadalka u dhigay in gacan adag ku qabtaan dad uu sheegaay in “Qas” ay ka wadaan magaalada.
Dhinaca kale war saxaafadeed ka soo baxay maamulka SSC Khaatumo ayaa si ba’an waxaa loogu eedeeyay Somaliland inay dhibaato ku haysyo dadka u dhashay gobollada maamulkaasi oo ku sugan Ceerigaabo, arrinkaasi oo ay sheegeen in ay ka digayaan.
Isha ku haay HBN ONLINE TV