Dagaal khasaare kala duwan geystay oo CXD iyo Alshabaab ku dhexmaray Galgaduud

In ka badan 50 Alshabaab ah ayaa DFS sheegtay in lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidanka CXD, Ciidamada Deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaala inta u dhaxaysa  Masagaway iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud.
 

War Saxaafadeedka Dowladda ayaa lagu kala sheegay Xubnaha lagu dilay howlgalka in ay isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad Ashabaab ah, waxaana howlgalku uu ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada degaanka ay heleen xogta kooxda oo isku aruursanayay halkaas.
 

Ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka ayaa hadda ku sugan goobihii dagaalku ka dhacay, iyada oo wali  howgalku socda, sida uu sheegayo bayaanka ka soo baxay dowladda.
 

Muuqaal horay looga baahiyey dagaalka ayaa muujiyey goor maqrib ah iyo dhawaqa rasaas xooggan oo dhaceysa.
 

Asbuucyadii ugu dambeyey dowladda Soomaaliya ayaa waday howlgalo ka dhan ahaa dagaalamaayasha Alshabaab, iyada oo deegaano ay muddo tobanan sano ah maamuliyeen lagala wadeegay, waxaaan dowladdu sheegtay in dagaalka sii wadi doonto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed