Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac ah sababay oo ka dhacay magalada Ceerigaabo iyo SSC-Khaatumo

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal dhimasho iyo dhawac sababay oo maanta ka dhacay magaalada Ciirigaabo ee gobolka Sanaag, ka dib markii ciidamo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Somaliland ay rasaas u adeegsadeen magaalada.

Muuaqaalo laga soo duubey Ceerigaabo ayaa muujinaya Millateriga Somaliland oo rasaas nool u adeegsanaya shacabka suuqa hoose ee magaaladaasi.

Ilaa saddex qof ayaa dhintay tiro kalena waa ku dhaawacantay, xiisaddan oo la sheegey in ka bilaabatay is-rasaaeyn dhexmartay Booliiska maagaalada iyo rag aano doon ah.

Dhanka kale, Maamulka SSC-Khaatumo oo war saxaafadeed ka soo dhacdadaan ayaa sheegay in 12-kii duburnimo ee maanta ay ciidamada Somaliland weerar ku soo qaadeen sida hadalka loo dhigay Shacabka SSC-Khaatumo ee ceerigaabo ku sugnaa goobahooda ganacsiga iyo guryahooda.

SSC-Khaatumo ayaa sheegtay in weerarkaasi uu sababay khasaare nafiyo maal ba leh.

“Dhamaan khasaarahan soo gaadhay shacabka SSC-khaatumo kuna sugnaa ceerigaabo ee dhimashada leh, dhaawaca leh, dhaca iyo boobka leh. xidhitaanka leh, waxaa geystay maamulka gooni goosatada ah ee hargaysa ka taliya masuuliyada weerarkaasna ay qaadi doonaan” ayaa lagu bayaanka SSC-Khaatumo.

Ugu danbayntii Maamulka SSC-khaatumo ayaa sheegtay qaadi doono talaabo sida hadalka loo dhigay qoomamo ku reebta kuwa sahashaday dhiiga muwaadininta SSC-khaatumo ee ku sugan gudaha magaalada ceerigaabo ee gobollka Sanaag.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan dhadadan iyo waliba eedda ka timid maamulka SSC Khaatumo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed