Dagaal khasaare dhaliyey oo dib uga bilowday Dacawaley iyo Ergooyin xabsiga la dhigay

Faahfahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal hor leh oo dib uga bilowday deegaanka Dacawaaley ee degmada Xarshin ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, halkaasi oo ay ku dagaalamayaan dadka deegaanka iyo ciidamada Liyuu Booliiska.

Xogta aan ka helnay ayaa sheegaysa in dadka deegaanka oo is abaabulay ay iska caabiyeen weerarka kaga yimid ciidamada deegaanka oo lagu eedeyey in weerar ay ku ekeeyeen deegaanka, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ka imanaya deegaanka Dacawaley ayaa sheegaya in inta badan aagas ay la wareegeen ciidanka deeganka, iyada oo xogo sheegayaan inay gacanta ku dhigeen hub cuslus iyo gaadiid dagaal, welina uu dagaalku socdo.

Egro ka kala socday deegaanka Soomaalida iyo Somaliland oo deegaanka u tagay xalinta khilaafka taagan ayaa sheegay in xaaladdu hadda tahay mid adag, ka dib markii xabsiga loo taxaabay qaar ka mid ahaa salaadiinta.

Mid ka mid ah Cuqaasha Somaliland oo sheegay inuu ka baxday gacanta Ciidamada Liyuu Booliska ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dagalka saaka deegaanka Dacawaley ka dhacay uu khasaarihiisu badan yahay, isaga oo ku eedeeyye maamulka Deegaanka Soomaalida inay ka musuul yihiin wixii dhib ah ee halkaasi shacabka ku gaara.

Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka dowlad deegaanka Soomaalida oo ku aadan eedda Ergada Somaliland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed