Dagaal khasaare badan dhaliyey oo Alshabaab iyo Ciidamada Dowladda ku dhexmaray bartamaha dalka

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalka saaka Ciidamada deegaanka oo garab ka helaya kuwa xoogga dalka iyo Alshabaab ku dhexmaray deegaanka Birta, oo ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, kadib markii kooxdu weerartay Ciidamada.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaya howlgalka, dagaalka ayaa sababay khasaare culus oo loo geystay sida kooxda weerarka soo qaaday, iyadoo ciidamadu ay ku guuleysteen inay khasaare gaarsiiyaan sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale Warbaahinta Dowladda oo xogta dagaalka baahisay ayaa laga soo xigtay in meydadka Alshabaab lagu arkayo goobihii lagu dagaalamay, lana filayo in goordhow si rasmi ah loo soo bandhigo meydadkaasi iyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka iyo khasaaraha dhabta ah.

Dhanka kale, dagaalka Saaka ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka waxaa kaga dhigtay ciidamo ay saraakiil ku jireen.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed