Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xiisad amni ay ka dhalatay xariga nabadoon oo ka dhacay degmada Jalalaqsi, kadib markii kooxo hubeysan ay isku dayeen inay si xoog ah ku sii daayaan — halka ilo deegaanka ah ay soo tabiyeen in khasaare dhimasho ah ka dhalatay.
Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay nabadgelyada iyo howlaha shaqo ee maamulka degmada, iyadoo dadka deegaanka ay xalay ku hoydeen cabsi iyo xaalad kacsan. Warbaahinta gudaha oo xog ka bixisay sida xaaladdu tahay ayaaa sheegtay in maanta aan waxbarasho & dhaqdhaqaaq kale ka jirin magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in saaka rasaas goos-goos ah laga maqlay goobta lagu xiray ninka Nabadoonka ah ee muranka dhaliyay, halka aan weli la xaqiijin khasaaraha ka dhashay inta uu gaarsiisan yahay. Odayaal dhaqameed ayaa la sheegay inay ku baxeen xalinta khilaafka, si looga hortago in xiisaddu ku faafto guud ahaan degmada Jalalaqsi.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka degmada Jalalaqsi oo ku saabsan sababta xarigga nabadoonka, israsaaseynta dhacday ama tallaabooyinka la qaaday. Waxaa la filayaa in maamulka uu faahfaahin ka bixiyo dhacdadan iyo haddii uu jiro khasaare ka dhashay.
HBN Online TV

