Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Ciidanka Dowladda Soomaaliya & Alshabaab ku maanta ku dhexmaray deegaan dhanka bari kaga beegan magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.
Dagaalkan oo ku bilowday howlgalka ay sameeyeen Guutada 9-aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa dowladda Soomaaliya ku sheegtay in guullo kaga gaartay dagaalka oo ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaastii 20-km bari ka xiga magaalada Xuddur.
Taliyaha Guutada 9-aad, Gaashaanle Dhexe Yoonis Aadan Xasan ayaa xaqiijiyey in ciidanka ay si xooggan u fuliyeen howlgal ay kooxda kaga furteen sida uu hadalka u dhigay hub iyo saanad ciidan oo muhiim ah.
Sida oo kale, saraakiisha ciidamada dowladda ma sheegin dagaalka wax khasaare ah dhankooda ka soo gaaray iyo inta uu la eg yahay mid kooxda soo dhankeeda soo gaaray.
HBN ONLINE TV