Dagaal dib uga qarxay Beledxaawo – Xaalad kacsan iyo barakac xoogan oo socda

Dagaal culus ayaa dib uga qarxay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay isku hor fadhyeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo kuwa Maamulka Jubbaland, waana maalinkii lixaad oo xariir ah.

Goobjoogayaal ka tirsan dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalku uu si gaar ah uga socdo xerada UK oo ah saldhig ay ku sugan yihiin saraakiil uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, kana tirsan dhinaca DFS. Goobta dagaalka ayaa laga maqlayaa rasaas culus, waxaana magaalada wali ka jirta xaalad hubanti la’aan ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helay Beledxaawo ayaa sheegaya in xaalad dagaal oo toos ah ay ka taagan tahay magaalada, iyadoo ay adag tahay in si rasmi ah loo xaqiijiyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor-imaadka. Isgaarsiinta magaalada ayaa wali go’an, taas oo caqabad weyn ku ah helitaanka xogta dhabta ah.

Dhinacyada dagaalamaya illaa hadda wax war ah kama soo saarin dagaalka iyo khasaaraha uu geystay, mana jirto cid si madax bannaan u xaqiijin karta tirada dadka wax ku noqday.
Dhanka kale, Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay ciidamo dheeraad ah geeyay magaalada, iyagoo ku andacoonaya in ay xoojinayaan ammaanka Beledxaawo.

Tallaabadan ayaa sii kordhisay xiisadda colaadeed ee deegaanka. Isla magaalada Ciidamada dowladda ee ku sugan ayaa soo bandhigay askar ay ku sheegeen in kuwa Jubbaland oo isu soo dhiibay inkasta oo aan si madax banaan loo xaqiiji karin.

Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, dad rayid ah oo badan ayaa ka barakacay magaalada, iyaga oo u talaabay xadka Kenya, gaar ahaan magaalada Mandheera, halkaas oo ay hadda wajahaan xaalado nololeed oo aad u adag, iyadoo aanay jirin gargaar degdeg ah oo soo gaaray.

Xaaladda Beledxaawo ayaa u muuqata mid si degdeg ah u faraha ka sii baxaysa, waxaana loo baahan yahay in la helo xal siyaasadeed iyo dadaal degdeg ah oo lagu joojinayo dagaalka, si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah ee ku sugan magaalada iyo hareeraheeda.

 HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed