Dagaal culus oo ka dhex qarxay Oromada iyo Soomaalida

Dagaal culus oo u dhexeeya Oromada iyo Soomaalida ayaa ka bilowday degmada Hudhet ee gobolka Daawa, kadib markii ciidamo iyo maleeshiyaad Oromo ah ay gudaha u soo galeen Deegaanka Soomaalida, sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka ah.

Weerarka ayaa bilowday abaarihii Salaaddii Casar, wuxuuna ka dhacay meel qiyaastii 25 km u jirta xarunta degmada Hudhet, halkaas oo lagu arkay ciidamo badan oo Oromo ah oo duullaan ku soo galay.

Ilo goobjoog ah ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in dagaalku yahay mid culus, isla markaana dhinaca Oromada ay ka yimaadeen ciidamo aad u badan oo si toos dagaal uga qeyb qaatay deegaanka Soomaalida, inkasta oo aanan si madaxbanaan arintaasi xaqiiji karin.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Deegaanka Soomaalida ama laamaha amniga, balse xogaha hordhaca ah ayaa muujinaya in xiisaddu aad u kacsan tahay.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo qabalka Banqoor ee ka tirsan Hudhet ay habeen hore weerar gaadmo ah ku qaadeen maleeshiyaad Oromo ah, taas oo lagu dilay saddex qof oo isku qoys ah, kuwaasoo uu dhalay Ugaas deegaanka caan ka ahaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Oromadu muddo toddobaadyo ah ciidamo badan ku urursanayeen deegaanka Bolihuura, oo ku dhow xuduudda Soomaalida, halkaas oo qayb ka mid ah ciidankaasi maanta ay gudaha u soo galeen, kuna bilaabeen dagaalkan cusub.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed