Galinkii dambe ee maanta, shacabka degmada Huurshe ee gobolka Galgaduud ayaa dab qabadsiiyey mid ka mid ah masaajida ku yaalla magaaladasi, kadib markii ay dhulka la simayeen masjidka, iyagoo muujinaya caro ka dhan ah.
Wararka ayaa sheegaya in masjidkan lagu gubay ka dib markii dadweynuhu sheegeen in uu horjeeday dariiqada deegaanka, sida ay warbaahinta gudaha ku soo warantay. Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda ma jiraan cadaymo rasmi ah oo xaqiijinaya arrintan.
Dhacdadan ayaa ka tarjumaysa xiisadda ka jirta deegaanka iyo sida bulshada uga falcelisay khilaafka la xiriira masjidka. Waxa jira dad meelaha qaar ka soo horjeeday go’aanka lagu gubay masaajidka, iyagoo ku dooday in qasaaraha la baaqsan karo lana bedeli karo dadka maamulka ah.
Ilaa hadda, maamulka Galmudug kama jawaabin dhacdadan, waxaana la ogaaday in deegaano qaar oo gobolka ah ay xiran yihiin masaajid iyo goobo lagu faafiyo fikrado ay dadka deegaanadasi diidan yihiin.
HBN ONLINE TV